Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudi Carabiya oo yabooh xabad-joojin u sameysay Xuutiyiinta


Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa soo jeedisay xabad joojin ku aadan dagaalka sokeeyee ee mudada dheer ka socday wadanka Yemen, hase yeeshee markiiba waxaa soo jeedintaas rajo xumo ka muujiyay Xuutiyiinka dagaalka kula jirta dowladda Abdurabi Hadi Mansur.

Riyadh waxay sheegtay in xabad joojiinta iyo wadaxaajoodka ay ka mid yihiin dib u furista garoonka diyaaradaha Sanca oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, laakiin xannibaad dhinaca hawada ah ay saareen xulufada ay hoggaamiso boqortooyda Sucuudiga, waxayna sheegeen in xayiraadaas laga qaadi doono haddii Xuutiyuunta oo ay taageerto Iran ay oggolaadaan wada-hadalkan.

Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha laga wada hali doono ay ka mid tahay dekdada Hodeidah, isla markaana dakhliga ka soo xarooda lagu shubi doono koonto ay si wadajir ah ku maamuli doonaan labada dhinaca.

Heshiisyadii hore ee dhinacayadan ayaan marna si buuxda u fulin tan iyo shirkii Stockholm ee sanadkii 2018, waxaana haddii ay isku afgartaan arrimaha farsamada ee horudhaca ah soo raaci doona wada hadallada rasmiga ah ee dhinaca siyaasadda.

"Wixiii xilligan ka dambeeya Xuutiyiinta ayay u taal inay danahooda hormariyaan ama kawa Iran" ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Sucuudiga Amin Faysal Bin Farhan Al-Saud oo u warramayay warbaahinta.

Dowladda Madaxweyne Hadi ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqistan, laakiin Xuutiyiinta oo xukuma ku dhowaad 70% dhulka Yemen ayaan aaminsaneyn in rajo ka soo bixi karto.

“Xal ama dadaal kasta oo aan qireyn in Yemen si gardarro ah loogu soo weeraray milatari iyo in cunaqabateyn lagu hayay lixdii sano ee la soo dhaafay, taas oo sababtay dhibaatooyin bini'aadaminimo waa mid dhalanteed ah " ayuu afhayeenka Xuutiyiinta Mohammed Abdulsalam ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageeri doonto wadaxaajoodka ay ku baaqday boqortooyda Sucuudiga, waxayna dhinaca kale cambaareysay weeraradii gantaalaha ahaa ee dhawaan Xuutiyiint ay ku qaadeen magaalooyinka xuduuda labada dal.

Dagaallada Yemen oo socday in ka badan lix sano ayaa ku riixday dadka waddankaas saboolnimo, macluul iyo gaajo baahsan.

XS
SM
MD
LG