Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Afisyoone oo aan weli furmin iyo caqabado hortaagan


Shirka Afisyoone ee madaxda Soomaalida
Shirka Afisyoone ee madaxda Soomaalida

Shirkii uu ku baqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 22-ka bisha Maarso oo ku beegan maanta ayaan weli furmin.

Weriyahaya VOA oo ku sugan goobta shirka ee Afisyoone ayaa soo tebinaya in goobta shirka ay ku sugan yihiin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Glabeed. Waxaa kale oo goobta ku sugan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hase yeeshee waxaa goobta shirka ka maqan madaxeynayaasha Puntland, Jubaland iyo musharraxiinta madaxweynenimada.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in xubnaha ku jira Madasha Badbaadada Qaran ay ku doodayaan in wax laga qabto saddex qodobo ka hor inta aanu shirku billaaban, kuwaasi oo kala ah in amniga goobta la sugo, in madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna isaga oo mushrrax ah uu ka qaybgalo hawlaha tartanka doorashada, iyo inay shirka joogaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo, sidaasi waxaa VOA u sheegay ilo waeedyo ka tirsan mucaaradka oo la hadlay VOA, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay la hadlaan warbaahinta.

Dawladda Soomaaliya iyo madaxda maamullada kale ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dalabka Madasha Badbaadada Qaran.

Dhinaca kale madax ka tirsan mamaul goboleedka Puntland ayaa shalay iyaguna muujiyey inay diidan yihiin ajanadaha shirka oo ay sheegeen inuusan dhammaystirnayn.

Beesha caalamka ayaa la sheegayaa inay wadaan dadaal la iskugu keenayo dhinacyada.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa wararkii ugu dambeeyey shirka ka wareystay Xasan Kaafi Qoyste.

Wararkii ugu dambeeyey shirka Afisyoone
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00


XS
SM
MD
LG