Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo laga Helay Coronavirus


Imran Khan
Imran Khan

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay cudurka COVID-19, sidaasina waxaa Sabtida maanta ah xaqiijiyay wasiirka caafimaadka ee dalkaasi, waana labo maalmood uun ka dib markii uu ra’iisul wasaaruhu qaatay tallaalka COVID-19.

Khan ayaa “gurigiisa isku karantiilaya” ayuu wasiirkiisu Faysal Sultan ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan in dadka kale ee xiriirka la sameeyay Khan ay sidoo kale is-karantiilayaan.

Khan, oo 68 jir ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday shirar joogto ah oo uu ka mid yahay ka qayb galkiisa shir dhanka amniga ah oo lagu qabtay caasimadda Islamabad oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan.

Waxa uu shirkaasi ka jeediyay khudbad isaga oo aan xirneyn maaskaro, waxa uuna ka qeyb galay kulan kale oo lagu daah furayay mashruuc guriyayn loogu samaynayo dadka saboolka ah oo Jimcihii la qabtay.

Khan ayaa Khamiistii qaatay tallaalka COVID-19.

Dalkan ku yaalla Koonfurta Asia oo ay ku nool yihiin 220 milyan oo qof ayaa muddooyinkii u danbeeyay wajahayay sare u kaca kiisaska cusub ee COVID-19.

Sida ay sheegeyso xog ay baahisay dowladdu, 3,876 qof ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laga helay COVID-19 – waa tiradii ugu badneyd ee hal maalin la diiwaangeliyo tan iyo bishii Luulyo – waxayna ka dhigeysaa tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalkaasi 620,000.

Sidoo kale, 42 ayaa la sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay u dhinteen cudurkan, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13,799.

Pakistan ayaa 10-kii Maarso bilowday talaalka muwaadiniinteeda, iyada oo lagu bilaabay dadka waayeelka ah ka dib markii shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ay muujiyeen walaacooda qaadashada tallaalka ay soo saartay China.

Tallaalada uu sameeyay Shiinaha ee Sinopharm iyo CanSinoBio, Oxford-AstraZeneca iyo tallaalka Russia ee Sputnik V ayay adeegsigooda oggolaatay Pakistaan.

REUTERS

XS
SM
MD
LG