Aqalka Sare ee Senateka Mareykanka ayaa cod aqlibiyad ah ku ansixiyay William Burns oo noqonaya agaasimaha hey'adda CID-da ee sirdoonka Mareykanka, waxaana ansixintiisa markiiba soo dhaweeyay hey'adaha amniga.
Burns, oo hore u soo noqday ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda, safiirka Mareykanka ee dalalka Russia iyo Jordan ayaa waxaa ansixinta todobaadyo is hortaag ku sameeyay xubno uu ka mid ahaa Senater Ted Cruz, hase yeeshee wuxuu markii dambe helay kalsoonida aqalka sare.
Saraakiisha sirdoonka ayaa sheegay inay tahay in Burns uu si dhakhso leh u wajaho dhowr caqabadood oo ay ku jiraan walaac ku saabsan hab dhaqanka hay'adda taas oo ka dhalatay cabashooyinka ah in shaqada sirdoonka la siyaasadeeyay xilligii Madaxweynihii hore Donald Trump.
"Siyaasaddu waa inay ku istaagtaa halka shaqada sirdoonku ka bilaabmayso," ayuu Burns u sheegay xubnaha Aqalka sare intii lagu jiray dhageysiga xaqiijintiisa bishii la soo dhaafay, isagoo ballan-qaadaya inuu dib ugu laaban doono kalsoonida arrin uu ugu yeeray "Awoodda run sheegga".
Burns, wuxuu sheegay in mudnaanta ugu sareysa uu siinayo ka hortagga hagardaamada Shiinaha, isagoo dhinaca kale uga digay hey'adaha amniga iyo sirdoonka inaan la dhayalsan Rusia iyo Iran.