Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tallaalka AstraZeneca oo waxtarkiisa la xaqiiyay


FILE PHOTO: A vial and sryinge are seen in front of a displayed AstraZeneca logo

Tallaalka AstraZeneca ee looga hortago xanuunka muddooyinkan dunida sida daran u aafeeyay ee COVID 19 ayaa todobaadkan la gaarsiiyay Soomaaliya, waxaana tallaalkan adeegsigiisa hakiyay waddamo badan oo qaaradda Yurub ah oo sheegay in tiro aad u yar oo dadkii qaatay ah caafimaad darro laga dareemay.

Waxaa arrintaasi todobaadyadii lasoo dhaafay baaris ku haysay wakaaladda dawooyinka Yurub oo ah hey’ad aad loogu kalsoon yahay marka laga hadlayo dhinaca caafimaadka. Wakaaladda oo Khamiistii cilmi-baaristeeda soo gabo-gabeysay ayaa sheegtay in tallaalkaasi uu yahay mid ammaan ah oo wax-tarna leh.

Wariyaheenna Jacfar Kukay ayaa khadka Talefoonka kula xiriiray Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Madar oo ka tirsan xarinta caafimaadka Hennepin, ahna bare katirsan Jaamacadda Minnesota.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:26 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG