Madaxa xuquuqul insaanka Qaramada Midoobey Michelle Bachelet ayaa ogolaatay codsigii Ethiopia ee oo ku saabsanaa in si wadajir ah baaritaan loogu sameeyo woqooyiga gobolka Tigray, halkaas oo Bachelet ay sheegeyso in laga yaabo in xadgudubyo iyo dambiyo dagaal ay ka dhaceen.
Dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowlada Itoobiya iyo xisbigii hore u xukumi jiray gobolka Tigreega TPLF ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, halka boqolaal kun oo kale lagu qasbay inay ka barakacaan guryahoodii oo ku yaal gobolka buuraleyda ah oo qiyaastii dadkiisu gaarayaan 5 milyan.
Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay xadgudubyada ka dhacaya Tigray, halka xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu ku tilmaamay falalka laga fuliyay gobolkaasi inay yihiin isir sifeyn.
Dowladda Itoobiya ayaa dhinaceeda diiday eedeynta Blinken.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Bachelet ayaa oggolaatay codsi uga yimid guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) oo ay dawladdu maamusho oo ahaa in baarintaanka ay dowladda Itoobiya qeyb ka noqoto, lana siiyo fursad ay kula shaqeeyaan baareyaasha Qaramada Midoobey.
"Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha iyo EHRC waxay hadda soo saarayaan qorshe baaritaan oo ay ku jiraan adeegyada muhiimka u ah baaritaankan, si ay fududaato in si deg deg ah loo billaabo howlgalkan" ayuu yiri afhayeenka guddiga Xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Jonathan Fowler.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa Sabtidii sheegtay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso khubarada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha si loo sameeyo baaritaanno ku saabsan eedeymaha la xiriira xadgudubyada lagu eedeeyay.
Hey'adda Amnesty International ayaa bishii hore ku eedeysay ciidmada Eritrea inay magaaladda Axum ee gobolka Tigray ku dileen boqolaal rayid ah sanadkii hore.
Ethiopia iyo Eritrea labaduba waa beeniyeen in ciidamo Eritrea ka yimid ay joogaan gobolkaas, laakiin waxaa jira tobanaan goob-jeegeyaal ah oo qiray in ciidanka Eritrea ay halkaas ku sugan yihiin.