Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynihii Tanzania John Magufuli oo geeriyooday


John Magufuli
John Magufuli

Madaxweynihii wadanka Tanzania John Magufuli ayaa goor dhaweyd geeriyday, sida ay xaqiijiyay Samia Suluhu Hassan oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo dadweynaha kala hadashay Tv-ga Qaranka.

Waxay sheegtay Samia Suluhu in madaxweyne Magufuli uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Dar es Salaam oo uu ku jiray ilaa 6-dii bishan March.

Sadexdii todobaad ee la soo dhaafay Magufuli oo 61-jir ahaa, muuqaalkiisa lama arag, iyadoo ay jirtay hadal heynta ah inuu geeriyooday.

Samia Suluhu waxay sababta geerida Magufuli ku sheegtay xanuun wadnaha ah oo uu la tacaalayay 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Sida ku cad dastuurka dalka Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa loo dhaarin doonaa madaxweynaha dalkaas, waxayna dhameystiri doonta xilligii u harsanaa Magufuli oo ah shan sano, maadaama sanadkii hore uu mar labaad ku guuleystay doorashadii guud ee dalkaas ka dhacay.

Waxay Samia noqoneysaa haweeneydi ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Tanzania iyo weliba dalalka bariga Africa.

XS
SM
MD
LG