Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo fara-geliyay doorashadi Mareykanka ee 2020-ki


Vladimir Putin
Vladimir Putin

Warbixin uu Talaadadi shalay shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa lagu sheegay, in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u badan tahay inuu si toos ah u amray, isku day lagu fara-geliyay doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee sannadki 2020-ki.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Ruushka uu sameeyay isku day ah inuu fara-geliyo hannaanki doorashadi lasoo dhaafay, si uu ugu guuleysto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, laakin sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay, in ugu danbeynti aysan dhicin saameyn wax ka baddashay natiijadi kasoo baxday doorashadi Mareykanka ka dhacday bishi November ee sannadki 2020-ki.

Warbixinta oo ka koobneyd 15 bog isla markaana kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Iran ay isku dayday in ay wiiqdo kalsoonida shacabka Mareykanka ee nidaamka codbixinta si ay u dhaawacdo in Trump mar kale uu kusoo baxo doorashadi Mareykanka ee sannadki hore.

Washington ayaa lagu wadaa in ay todobaadka danbe cuna-qabateyn kusoo rogto Moscow, sababo la xiriria fara-gelintani la sheegay in ay ku sameeysay doorashadi madaxtinimada ee Mareykanka ee sannadki 2020-ki.

XS
SM
MD
LG