Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay tahay shuruudda ay Masar ku xirtay xiriirka Turkey?


Wasiirka arrimaha dibedda Masar, Sameh Shoukry.
Wasiirka arrimaha dibedda Masar, Sameh Shoukry.

Ficillada Turkiga waa inay u muuqdaan kuwa la jaanqaadi kara mabaadi’da iyo hadafyada Masar, si xiriirka labada dal uu caadi ugu soo noqdo, waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry.

Shoukry ayaa xaqiijiyey inuu jiro xiriir dhex-maray Qaahira iyo Ankara kadib sanado ay xiisad ka dhex oogneyd, hase yeesheee waxa uu tilmaamay in wada-hadalka uu ahaa mid kooban.

Xiriirka labada dal ayaa ahaa mid aan wanaagsaneyn tan iyo markii ciidamada Masar ay xukunka ka tuureen Mohammed Mursi, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loo doorto, iyo xulufada madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, kadib dibadbaxyo dhacay 2013.

Ma jirin wax xiriir ah oo u dhaxeeyey labada dal oo ka baxsan nidaamka diblomaasiyadda ee caadiga ah.

“Haddii ficillada Turkey ay la jaanqaadaan mabaadi’da iyo hadafyada Masar, markaas kadib waxaa dhabbaha loo xaari doonaa in xiriirada ay caadi kusoo noqdaan,” ayuu yiri Sameh Shoukry.

Saraakiil sare oo Turkish ah ayaa toddobaadkii tegay sheegay in xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal uu dib u billowday islamarkaana Ankara ay raadineyso wada-shaqeyn dheeraad ah.

Ilo-wareedyo sirdoon oo Masaari ah ayaa sheegay in Turkey ay raadineyso kulan looga wada-hadlo wada-shaqeyn.

Reuters

XS
SM
MD
LG