JIGJIGA —
Talaalka xanuunka COVID-19 oo dhawaan soo gaadhay dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ayaa shalay si rasmi ah looga billaabay caasimadda Jigjiga.
Talaalkan oo lagu billaabay xirfadlayaasha caafimaadka ee iyagu adeega siiya bukaanada looga shakiyo cudurka COVID-19 ayuu daahfurkiisa ka qayb galay madaxweynaha dawlad deegaanka Mustafe Muxumed Cumar.
Warbixin arrintan ku saabsan waxa Jigjiga nooga soo diray wariyaheena Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.