Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo Beenisay in 'Isir Sifeyn' laga Gaystay Tigray


Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah diiday eedeymaha Mareykanka ee ah in isir sifeyn laga gaystay gobolka Tigray, iyadoo iska riixeysa dhaleeceyntii ugu dambeysay ee ka dhan ah howlgalladeeda milatari ee gobolka waqooyiga ee Tigray taasi oo uga timid maamulka cusub ee Washington.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in uu doonayo in ciidamada Eretria iyo kuwa ka soo jeeda gobolka Amxaarada lagu bedelo ciidamada ammaanka oo ilaalin doona xuquuqda aadanaha oo aan "sameyn doonin ficillo isir sifayn ah."

“(Eedaynta) ayaa ah gabi ahaanba xukun aan sal iyo raad toona lahayn oo ka dhan ah dowladda Ethiopia,” ayaa lagu yiri qoraal Sabtida maanta ah ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia.

REUTERS

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG