Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Queen Elizabeth 'oo ka naxday' eedihii amiir Harry iyo Meghan


Queen, Harry and Meghan
Queen, Harry and Meghan

Boqortooyada UK ayaa Talaadadi shalay sheegtay, in eedaha la xiriira midab-takoorka ee ay horraanti todobaadkaan amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan sheegeen in lagula kacay, ay yihiin kuwo laga walaalo, isla markaana boqortooyada ay arrintan si khaas ah ay u xallin doonto.

Bayaan kasoo baxay xarunta looga taliyo boqortooyada UK ee Buckingham Palace, isla markaana ku saxiixneyd boqoradda, Queen Elizabeth-ka labaad ayaa lagu sheegay, in dhammaan xubnaha qoyska boqortooyada ay ka naxeen dhibta ay sannadki tagay muteen Harry iyo Meghan, gaar ahaan arrinta la xiriira isir-takorka.

Wareysi ay horraanti todobaadkaan amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan Markle siiyeen saxafiyadda caanka ah ee dalka Mareykanka Oprah Winfrey, ayay ku sheegeen, in boqortooyada ay ku guuldarreysatay in ay difaacdo oo ay caawiso Meghan marki ay caloosha ku sidday wiilkeeda Archie.

Meghan ayaa sidoo kale shaaca ka qaadday, in xubin ka tirsan qoyska boqortooyada oo aysan magac-dhabin, uu wax iska-weydiiyay midabka uu yeelan doono wiilkeeda oo ay markaasi caloosha ku sidday. Wareysigan oo aad u dheeraa ayaa habeenkii Axadda laga daawaday Mareykanka, halka Isniintiina laga baahiyay UK. Amir Harry ayaa ah mid ka mid ah wiilasha uu dhalay dhaxal-sugahaya boqortooyada Britain, Amiir Charles.

Sannadki 2018-ki ayay isaga iyo xaaskiisa go’aansadeen in ay wareejiyaan xilka boqortooyada, kaddibna u guureen Canada, balse ugu danbeynti waxay u xuubsiibteen dalkaan Mareykanka oo ay hadda ku noolyihiin.

XS
SM
MD
LG