Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Korea-da Koonfureed oo dhoola-tus wada sameynaya


Korea-da Koonfureed iyo Mareykanka ayaa toddobaadkan sameyn doona dhoolatuskooda milateri ee xilliga gu'ga, laakiin, sida ay Axadda maanta ah shaacisay Seoul, tababbarka wadajirka ah ayaa ka yaraan doona habkii uu ahaan jiray sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Ciidamada xulafada ayaa Isniinta bilaabi doona sagaal maalmood tababar hagga hogaanka oo dhanka aallada computerka ah, Taliska ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sidaasi ku sheegay bayaan ay soo saareen.

Layliyadu ayaa waxaan ku jiri doonin tababarro bannaanka lagu qabto, taasi oo la qaban jiray sanadka oo dhan, waxaana la yareyn doonaa tirada ciidamada iyo qalabkooda, sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee COVID-19, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Layliyadan wadajirka ah ayaa waxaa si dhow ula socda Kuuriyada Waqooyi oo ugu yeerta "u diyaargarow dagaal".

XS
SM
MD
LG