Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senate-ka Mareykanka oo ansixiyay $1.9 Trillion oo ah miisaaniyad gargaar


Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo soo dhoweeyay Ansixintii xubnaha golaha Senate-ka ay Sabtidii ku meel-mariyeen $ 1.9 tiriliyan oo loogu talagalay gargaarka dhaqaale xumada ka dhalatay Coronavirus ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ka dhigan tahay in lacag $ 1,400 oo dollar ah ay heli doonaan inta badan muwaadiniinta Mareykanka.

Isagoo ku sugan Aqalka Cad ayuu Biden sidoo kale sheegay in dirista lacagta bishan la bilaabi doonto islamarkaana qodobbada xeerkani uu soo dedejin doono soo-saarista iyo qaybinta tallaallada ka dhanka ah COVID-19.

Xeerka ay ayaa waxaa ku jira lacago dhowrka bilood ee soo socda la siinayo dadka shaqadooda ku waayay masiibada COVID-19, lacago lagu kabayo ganacsiyada yar yar iyo mid kirada guryaha looga bixinayo dadka aan awoodin.

50 mudane oo ka mid ah 100-ka ku jira Aqalka Senate-ka ayaa haa ku ansixiyay iyadoo ay diideen 49 xubnood, mana jirin hal xubin oo ka trirsan xisbiga Jamhuuriga oo u codeeyay sharciga.

Ansixintan xeerkan ee golaha Senat-ka ayaa madaxweyne Biden uga dhigan guushii ugu horreysay ee sharci dajineed tan iyo markii xafiiska uu la wareegay 20 kii Janaayo 2021.

Haddaba wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab oo jooga Washington ayaa faahfaahinta xeerkan ka waraysaty Mahdi Cabdiraxmaan Taakilo oo ka faallooda arrimaha Maraeykanka, kaas oo ku sugan magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Halkaan ka dhagayso faah-faahinta Xeerka.

Halkaan ka dhagayso faahfaahinta Xeerka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:36 0:00


XS
SM
MD
LG