Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo Heshay Tallaalka COVID-19


Tallaalka COVID-19
Tallaalka COVID-19

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in maanta oo Sabti ah ay heshay qeybtii ugu horreysay ee tallaalka Covid-19. Lama sheegin cadadka soo gaaray Jabuuti, hase yeeshee, waxaa hay’adaha gargaarku sheegeen in toddobaadkii horena ay Jabuuti heshay cirbadihii loo isticmaali lahaa in tallaalka lagula mudo dadka.

Jabuuti waxaa la sheegay in ay muhiimadda u horreysa siinayso dadka ka weyn 50 sano, kuwa qaba xanuunada halista ah, iyo shaqaalaha caafimaadka.

Jabuuti waa waddankii ugu horreeyey ee dalalka Gobolka la isku yiraahdo Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa (MENA) oo tallaalkan soo gaaro.

Tallaalkan ayaa ka yimid COVAX oo ah mashruuc ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Isbahaysiga Tallaalka GAVI iyo hay’ad kale oo lagu magacaabo Isbahaysiga Diyaargarowga Cudurrrada Faafa.

Ka sokow Jabuuti, waxaa sidoo kale ilaa haatan wadammada Bariga Afrka ee helay tallaalka ka mid ah dalka Kenya oo toddobaadkii hore uu soo gaaray 1 milyan iyo 20 kun oo goojo oo tallaalka ah. Kenya waxay sidoo kale sheegtay in ay mudnaanta siinayso shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa kale ee ka shaqeeya safka hore.

Dalka Ethiopia ayaa sidoo kale mas’uuliyiintu sheegeen in ay filanayaan shixnadda ugu horreysa ee tallaalka maalinta Axadda ee berri ah.

Soomaaliya ayaa bishii hore sheegtay in tallaalku uu soo gaari doono dabayaaqadii bishii tagtay ee Febraayo ama horraanta bisha Maarso. Hase yeeshee, ilaa iyo haatan, tallaalkaasi ma soo gaadhin dalka.

Warar ay idaacadda VOA ka heshay il-wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in 300 oo kun oo goojo oo ah qaybtii ugu horraysay ee tallaalka ay sugaysay Soomaaliya oo ahaa 1 milyan iyo 200 kun uu maanta soo gaadhay magaalada Nairobi.

Haddii Soomaaliya ay wada hesho 1.2 milyan ee tallaalka ugu horreeya, waxay taasi ku filan tahay 1% dadka Soomaalida ah.

Has eyeeshee, dowladaha ay soo gaaraan shixnadda tallaalka ayaa laga filayaa in ay la yimaadaan qorshe ay tallaalka ugu qaybinayaan dhammaan gobollada dalka.

Ilaa haatan dowladda Soomaaliya si rasmi ah uma aysan shaacin qaabka ay doonayso in dalka loogu qaybiyo tallaalka, iyo gobol walba inta uu helayo. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxaa laga sugayaa in ay dadweynaha u sharraxdo imaatinka tallaalka iyo dadka ugu horreeya ee helaya, iyo taariikhda la bilaabayo tallaalista muwaadiniinta.

Mid ka mid ah khubarada caafimaadka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in dhibaatada ugu weyn ay noqonayso haddii daawada dalka la keeno, iyadoo aan la haynin qorshihii lagu qaybin lahaa, ama lagu bilaabi lahaa tallaalka.

VOA waxay isku dayday in ay la xiriirto Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Foosiya Abiikar Nuur, ilaa haatanna nooma suurtogelin inaan ku helno Khadka telefoonka.

XS
SM
MD
LG