Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraar Dalbanayay Joojinta Colaadda Tigray oo Fashilmay


Isku-day uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku doonayay in uu ku soo saaro qaraar ku baaqaya in si deg deg ah loo soo gaba gabeeyo dagaalka ay Dowladda Ethiopia ka waddo gobolka Tigray ayaa xalay fashilmay, ka dib markii ay diideen dalalka Hindiya, Russia iyo Shiinaha.

Diblamaasiyiinta ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Ireland oo soo diyaarisay qaraarka ay go’aansatay in aysan riixin ansixinta qoraalka qabyada ahaa, ka dib diidamada saddexdan dal.

Bayaankaasi ayaa noqon lahaa kii ugu horreeyay ee Golaha Amaanka ee QM uga hadlo xasaradaha ka taagan gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, ka dib afar bilood oo ay halkaasi ka socdaan dagaallo ay dad badani ku dhinteen. Ilaa iyo hadda lama oga tirada saxda ah ee dadka ku dhintay dagaalkaasi.

Talaadadii ayaa madaxa dhanka ban’aadannimada ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock uu ka digay in gobolka Tigray uu ka socdo olole burburin ah, isaga sheegay in hadda ay gargaar bani’aadannimo u baahan yihiin dad ka badan 4 milyan oo qof.

XS
SM
MD
LG