Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Texas oo qaadeysa amarka marada afka lagu xirto


Presiden Joe Biden and Texas governor Greg Abbott
Presiden Joe Biden and Texas governor Greg Abbott

Gobolka Texas ayaa noqday gobolka ugu weyn gobollada Mareykanka ee ilaa iyo hadda qaaday amarki dadka farayay in ay xirtaan maaska ama marada afka lagu daboolo ee looga gaashaanto faafista cudursidaha Coronavirus.

Inkasta oo ay khubarrada caafimaadka ay codsadeen in aanan tallaabadani la qaadin, haddana, guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott oo Jamhuuri ah, ayaa isaga oo ku dhexjira maqaayad lagu magcaabo Lubbock, shalay kaga dhawaaqay, in la gaaray waqtigii boqolkiiba boqol Texas la furi lahaa.

Wareegtada guddoomiye Abbott ayaa fareysa laamaha amniga iyo maxkamadaha, in aysan dadka gobolkiisa wax ciqaab ah dul-dhigi karin, dadka aanan wada af-xirka ama maaska.

Amarkan ayaa dhaqan-gali doona marka la gaaro 10-ka bishan March ee sannadka 2021-ka.

Guddoomiyaasha gobollada Michigan, Mississippi iyo Louisiana ayaa iyaguna Talaadadi khafiifiyay xayiraadi saarneyd baararka, maqaayadaha iyo goobaha ganacsiga.

Khubarrada ugu sarreysa dhinaca caafimaadka ee dowladda Mareykanka ayaa arrintani kasoo horjeestay, iyaga oo ka baryay dadka gobolkaas in aysan Mareykanka u horseedin, mowjado kale oo la xiriira cudurka COVID-19.
Mareykanka ayaa waxaa cudurka COVID-19 ugu dhintay, in ka badan nus malyuun qof.

XS
SM
MD
LG