TORONTO —
Dalka Canada ayaa waxaa ka socda qaadashada tallaalka COVID-19 oo lagu billaabay dadka ka shaqeeya caafmaadka iyo kuwa daryeela dadka da’da ah.
Soomaali badan ayaa ka mid ah dadka qaaatey tallaalka, laakin wali waxaa jira kuwa kale oo ka walaacsan qaadashada talaalkan.
Haddaba, Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahaasi ka wareystey Seynab Hussein oo madax ka ah xarunta Weston Senior ee lagu daryeello dadka waayeelka ah.
Waxa uu ugu horeyn weydiiyey sida ay ugu suurta gashey inay qaadato tallaalka iyo talooyinka loo soo jeediyey hor inta aysan qaadan.
Facebook Forum