Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykan: Xirmo Dhaqaale oo Muwaadiniinta lagu Caawinayo


Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay xirmo dhaqaale oo gaareysa $1.9 trillion, taas oo uu madaxweyne Joe Biden ku doonayo in uu ku taageero dadka Mareykanka ah ee uu sida aadka ah u saameeyay cudurka COVID-19.

Dimoqraadiyiinta oo leh aqlabiyadda Aqalka Wakiillada ayaa xeerkani ku marsiiyay Aqalka codad dhan 219, halka ay kasoo horjeesteen 212 mudane oo Jamhuuri ah. Tani ayaa uga dhigan madaxweyne Biden guushiisii ugu horreysay ee dhanka sharciga ah oo uu soo hooyay tan iyo markii uu qabtay talada Mareykanaka, bishii Jannaayo ee sanadkaan.

Xeerkaan ayaa hadda u gudbaya Aqalka Senate-ka oo ay isna aqlabiyaddiisa leeyihiin Dimoqraadiyiinta. Senate-ka oo ka kooban 100 mudane ayay labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga kala heystaan min 50 mudane, laakin Dimoqraadiyiinta ayaa ka faa’ideysan kara codka madaxweyne ku xigeenka oo ah madaxa Aqalka Senate-ka. Kamala Harris madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee hadda ayaa ah haweeneey Dimoqraadi ah.

Nuur Bukhaari ayaa warbixin ay VOA arrintan ka diyaarisay noo soo koobaya.

Halkan ka dhageyso warbixintan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:07 0:00


XS
SM
MD
LG