Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Joe Biden oo Telefoon Kula Hadlay Uhuru Kenyatta


Madaxweynaha Maraykanka, Joseph R. Biden ayaa Khamiistii telefoon kula hadlay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. War saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu u xaqiijiyey dhiggiisa Kenya muhiimadda uu leeyahay xiriirka Maraykanka iyo Kenya. Biden ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Maraykanka uga go’an tahay inuu sii wado in Kenya uu kala shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka, taas oo ay ku jirto marka Golaha Ammaanka la joogo, [kaas oo Kenya ay hadda xubin ka tahay.]

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweyne Biden ayaa bogaadiyey kaalinta hogaamineed ee Kenya ee gobolka Geeska Afrika ee dhinacyada la dagaalanka argagixisada, kobcina dhaqaalaha, wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada, iyo horumarka la joogteyn karo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Biden iyo Kenyata ayaa ka wada hadleen xaaladda bani’aadiminimo ee sii xumaanaysa ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia iyo baahida loo qabo in joojiyo nafta baxaysa, lana hubiyo galaangalka hawlaha bani’aadaminimo. Labada hogaamiye ayaa, sidoo kale, ka wada hadlay baahida loo qabo in iskaashi laga yeesho arrimaha kale ee la xiriira xasilloonida gobolka, sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.

XS
SM
MD
LG