Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senate-ka Mareykanka oo ansixiyay danjire Linda Thomas-Greenfield


Linda Thomas-Greenfield, Danjiraha cusub ee Mareykanka ee Qaramada Midoobay
Linda Thomas-Greenfield, Danjiraha cusub ee Mareykanka ee Qaramada Midoobay

Aqalka Senate-ka mareykanka ayaa cod aqlibiyad ah ku ansixiyay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, iyadoo heshay taageerada labada xisbi, waxaan u codeeyay 78 Senator, halka 20 ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay diideen.

Laakiin inta badan xubnaha ugu muhiimsan Jamhuuriga oo ay ka mid yihiin Lindsey Graham, Mitt Romney, Mitch McConnel, Bill Cassady iyo John Kennedy ayaa codkooda siiyay.

Oggolaashaha aqalka Seneteka ee Green-Field ayaa ku beegmaya todobaad ka hor inta aanu Mareykanku la wareegin hoggaanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna maalinta Khamiista la kulmi doontaa xoghayaha guud e Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Linda Thomas-Greenfield oo ah siyaasi ruugcaadaa ah oo muddo 35 sanadood ah qeyb ka aheyd dejinta siyaasadda arrimaha dibada Mareykanka ayaa noqon doonta xubin muhiim ah oo ka tirsan maamulka Joe Biden.

XS
SM
MD
LG