WASHINGTON, D.C —
Dowladda Canada ayaa xasuuq u aqoonsaday hagar-daamada uu Shiinuha ku hayo qowmiyadda Muslimiinta Uyghurs (Wiigariska) ee dalkaas. Go’aankan ayaa waxaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey baarlamaanka dalka Canada.
Canada waxay noqonaysaa dalka labaad ee tallaabadan qaada, iyada oo dalka Maraykanku horay falka dawladda Shiinaha uu xasuuq ugu aqoonsaday.
Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada, Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrintan ka wareystay, Sheekh Saciid Cali Axmed oo ah aqoonyahay ka faallooda xiriirka Muslimiinta iyo shucuubta kale, kuna sugan magaalada Ottawa ee dalkaasi Canada.
Facebook Forum