Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxyo waa weyn oo weli ka socda Myanmar


Kummanaan mudaaharaadayaal ah ayaa mar kale Axadda maanta ah isugu soo baxay waddooyinka guud ahaan Myanmar, maalin kadib markii laba qof la dilay kolkii ay booliisku iyo ciidamada ammaanku ay rasaas nool, sunta dadka ka ilmaysiisa, iyo haamaha biyaha ee dibadbaxyada lagu kala eryo u adeegsadeen kuwa ka mudaaharaadaya afgambigii militariga ee 1-dii February.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay rabshadaha dadka badan ku dhinteen. "Adeegsiga awoodda xad dhaafka ah, cabsi galinta iyo dhibaateynta ka dhanka ah banaanbaxayaasha nabadda waa mid aan la aqbali karin," ayuu ku qoray Twitter-kiisa goor dambe oo Sabtidii ah.

Labaatan qof ayaa ku dhaawacmay rabshadihii Sabtidii, sida uu sheegay madaxa mutadawiciinta ka shaqeysa adeegga gurmadka degdegga ah, waxaana loo xiray 569 qof diidmadooda afgenbiga militariga, sida uu sheegay Ururka Caawinta Maxaabiista Siyaasadeed.

Subaxnimadii hore ee Axadda maanta, booliska ayaa xiray jilaa caan ah, Lu Min, oo ka qeyb qaatay mudaaharaadyo ka dhacay Yangon wuxuuna ka mid ahaa lix qof oo caan ah oo ay ciidanku sheegeen in loo raadinayo eed ah in ay dadka kiciyeen.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in Mareykanku uu aad uga walaacsan yahay wararka sheegaya in ciidamada amniga ay rasaas ku fureen dibadbaxayaasha ayna sii wadaan qabqabashada iyo dhibaateynta banaanbaxayaasha.

XS
SM
MD
LG