Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia: Maxkamad Racfaan oo taageertay Xukunka Xabsiga ee Navalny


Maxkamad ku taalla magaalada Moscow ayaa Sabtida maanta ah diidday racfaan uu hogaamiyaha mucaaridka ee xiran Alexei Navalny ka qaatay xukun ay maxkamadi ku ridday horraantii bishaan.

Navalny, oo ah mucaaridka ugu weyn ee madaxweyne Vladimir Putin ayaa hadda qaadanaya xabsi saddex sano iyo bar ah, ka dib markii ay maxkamad ku taalla Moscow ku eedeysay in uu jabiyay amar horay loo siiyay oo ahaa inuusan dalka ka bixi karin.

Dhageysigii maxkamadda ee maanta, ayuu garsoorihii maxkamadda isla markiiba ku diiday racfaankii ay codsadeen qareennada Navalny, hase yeeshee maxkamadda ayaa lix toddobaad ka jartay xakunkii horay ugu dhacay ee saddexda sano iyo barka ahaa.

Navalny ayaa bishii hore ka soo laabtay dalka Jarmalka oo bishii August si xaalad deg deg oo caafimaad ah loogu qaaday, ka dib markii lagu sumeeyay gudaha Russia.

Dalalka Galbeedka ayaa cambaareeyay xakunka lagu riday hogaamiyaha mucaaridka ee Ruushka, iyaga oo dalbaday si deg deg ah loo siiyo xorriyadiisa.

XS
SM
MD
LG