Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkadda Facebook 'oo ka aargudatay' Australia


Tallaabo u muuqata aar-goosi balse layaab ku noqotay dadka reer Australia ayay shirkadda Facebook Khamiisti maanta uga joojisay guud ahaan waddanka Australia, qeybti ay dadka adeegsada Facebook ka heli jireen wararka.

Arrintan ayaa ku qoronta muran u dhaxeeya Dowladda Australia iyo Shirkadda Facebook, kaddib marki ay uu dhawaan baarlamaanka ansixiyay, qaanuun ku amraya shirkadaha waaweyn ee tiknoolojiga, in ay gataan wararka qalabka warbaahinta ku faafiyaan Facebook iyo Google.

Tani waxay keentay in Khamiisti maanta ay hey’adaha warbaahinta Australia ayaa awoodi waayeen, in ay wararkooda ku faafiyaan Facebook, sidoo kale dadka adeegsada Facebook ayaa heli waayay wixi warar ahaa ee u soo mari jiray Facebook.

Ra’isul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa go’aanka Facebook ku tilmaamay isla-weeyni iyo wax aad looga xumaado isla markaana aysan Facebook u caga-jugleyn karin dowladda Australia.

XS
SM
MD
LG