NAIROBI —
Allah ha u naxariistee waxaa saaka magaalada Nairobi ku geeriyooday Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo horay u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga ee Dowladda Kenya, sidoo kalena xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Kenya.
Senator Yuusuf Xaaji ayaa u geeriyooday xunuun uu mudooyinkii lasoo dhaafay la xanuunsanaa, waxaana maanta lagu aasay magaalada Nairobi.
Haddaba taariikhda Senator Xaaji iyo shaqooyinkii uu dalka Kenya kasoo qabtay waxaa warbixinta ku eegaya Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.