Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho ka billaabatay Kosovo kadib markii lagu gacan seeray codbixintii hore


Kosovo/Elections
Kosovo/Elections

Codbixiyeyaasha Kosovo ayaa Axadda maanta ah u dareeray goobaha codbixinta ee doorasho waqtigeeda la soo hormariyay oo baarlamaani ah kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ee wadanku ay waxba kama jiraan ka soo qaaday codbixin lagu dhisay xukuumad ka socota xisbiga dimuqraadiga ee Kosovo ee LDK loo soo gaabiyo.

In ka badan 1,000 musharrax oo ka kala socda ilaa 28 kooxo siyaasadeed ayaa ku baratamaya 120-ka kursi ee golaha sharci dejinta dalkaasi. 10 ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ayaa ka socda bulshada Serbian-ka ah halka 10 kalana ay ka socdaan qowmiyadaha kale ee laga tiro badan yahay.

Illaa 1.8 milyan oo qof ayaa codkooda ka dhiiban kara doorashada, waxaana ku jira 100,000 oo ka mid diyaasbarada ku nool qurbaha.

Ra'yi aruurin la sameeyay ayaa sheegeysa in doorashada la qabtay maanta in xisbiga Vetevendosje ku guuleysan doono 45% illaa 55% codadka ay dhiibtaan qowmiyadda Albanians, oo ah 90% dadka ku nool dalkaasi.

In kastoo ay ku laba jibbaaranto tiradii codadka ee Vetevendosje ka helay doorashadii 2019-kii, haddana waxay weli ka hooseysaa 61% oo ah tirada uu xisbigani kaligiis ku soo dhisi karo xukuumad.

XS
SM
MD
LG