Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Jamhuuriga oo halis ugu jira inuu xisbi kale ka dhex abuurmo


Saraakiil horey xilal usoo qabtay oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo u arka xisbiga inuusan dooneyn inuu ka horyimaado Donald Trump iyo isku dayga uu ku waxyeeleynayo dimoqraadiyadda Mareykanka, ayaa ku guda jiraa wada-hadallo ay ku dhisayaan xisbi cusub oo siyaasaddiisa tahay midig-dhexe, sida ay xubno arrintan xog ogaal u ah u sheegeen Reuters.

Wada-hadalladan oo billow ah ayaa waxaa ku lug leh xubno horey xilal uga soo qabtay maamullada madaxweynayaashii hore ee Jamuuriga sida Ronald Reagan, Gearge H.W Bush, George W. Bush, iyo Donald Trump, safiiro iyo xubno kale.

Inka badan 120 ka mid ah xubnahan ayaa Jimcihii wada-hadallo ku yeeshay aaladda Zoom-ka ayaga oo ka wada-hadlay sidii ay u dhisi lahaayeen xisbi cusub oo aaminsan “mabaadi’da siyaasadda midigta,” oo ay ka mid tahay ilaalinta dastuurka iyo sharciga – fikradahaas oo ay sheegeen inuu qashinka ku tuuray Trump.

Qorshaha ayaa ah inay meelaha qaar ka sharxaan musharaxiin tartama, halka tartamada qaar ay taageerayaan musharaxiinta siyaasadda midigta-dhexe, haddii ay noqon lahaayeen Jamhuuri, Dimoqraadi iyo kuwa madax-banaan, sida ay dad xog ogaal ah u sheegeen Reuters.

Evan McMullin, oo ahaa madaxa siyaasadda Jamhuuriyiinta Aqalka Wakiilada, sidoo kalena 2016 si madax-banaan isugu sharxay madaxweyne, ayaa Reuters u sheegay inuu wax ka marti-geliyey kulanka ay yeesheen saraakiil ka walaacsan sida Trump ula wareegay xisbiga Jamhuuriga.

Wada-hadalladan ayaa iftiiminaya muranka ka dhex oogan xisbiga Jamhuuriga ee ka dhashay sheegashadii beenta aheyd ee Trump uu ku dooday in doorashadii 2020 la qiyaameeyey, iyo weerarkii ka dambeeyey ee 6-dii Janaayo lagu qaaday xarunta Congress-ka.

Xubnahan ayaa sheegay inay aad uga yaabeen in inta badan xubnaha Jamhuuriga ee Congress-ka ay taageereen Trump kadib weerarkii 6-dii Janaayo, ayaga oo diiday dacwadda xil-ka-xayuubinta ee ka socota Senate-ka.

McMullin ayaa sheegay in 40% dadkii ka qeyb-galay wada-hadallada ay taageereen dhismaha xisbi cusub. Kuwa kale ayaa soo jeediyey inaan la dhisin xisbi balse la sameeyo garab ka dhex-shaqeeya xisbiga Jamhuuriga ama banaanka.

Reuters

XS
SM
MD
LG