Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Senate-ka oo ogolaaday dhageysiga dacwadda Trump


Golaha Senatka Mareykanka
Golaha Senatka Mareykanka

Golaha Senatka Mareykanka ayaa Talaadadi shalay cod ku ogolaaday, in si rasmi ah loo billaabi karo, dhageysiga dacwadda xil-ka-qaadista madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Qareennada Trump difaacaya ayaa ku doodday in Aqalka Odayaasha uusan sharci dastuuri ah u heysan, dhageysiga dacwadda uu Aqalka Wakiillada kasoo gudbiyay madaxweynihi hore, taasoo ah kicin fal lagu ridi rabay dowladda, kaddib weerarki ay taageerayaashiisa bishi hore ku qaadeen Xarunta Koongareeska.

Codka ay Aqalka Odayaasha u qaadeen, socod-siinta dhageysiga xil-ka-qaadista Trump ee Aqalka ayaa waxaa haa ugu coddeysay, 56 mudane, halka ay kasoo horjeesatay 44.

Maanta iyo berri ayaa lagu wadaa in muddo 16 saacadood ah oo laba maalin loo kala jaray, uu Senetka dhageysto doodaha labada dhinac oo kala ah, guddi ka socda Aqalka Wakiillada oo dimoqraadi ah iyo qareennada difaacaya madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Dhageysigaasi kaddib ayuu Sanetka u codeyn doonaa xil ka qaadista Trump, laakin dimoqraadiyiinta ooh adda heysta aqlabiyadda Senetka ayaa u baahnaan doona ugu yaraan 17 mudane oo Jamhuuri ah si ay danbi ugu helaan Trump.

XS
SM
MD
LG