Isku xirrada

War Deg-Deg ah

'Diyaarad lagu weeraray Sacuudiga oo dhexda laga qabtay'


YEMEN
YEMEN

Isbaheysiga milateri ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa qabtay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone oo ay soo gantay fallaagada ka dagaalanta Yemen, sida ay Axadda maanta ah ku warantay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa warisay bayaan ka soo baxay afhayeenka isbahaysiga Turki al-Maliki oo sheegaya in ay "qabteen oo ay burburiyeen diyaarad aan duuliye lahayn".

“Waxaa ay maleeshiyada argagixisada ah ee Xuuthiyiinta si ula kac ah u qaadeen bartilmaameedsiga dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Kooxda ay Iran taageerto ee Xuutiyiinta oo maamula inta badan Yementa koonfureed ayaan sheegan mas’uuliyadda weerarkan.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths uu bilaabay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogayo Iran si uu ugala hadlo dhibaatada bini’aadanimo ee Yemen ka dib markii maamulka madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay usbuucii la soo dhaafay in uu ka laabtay taageerada duullaanka Sacuudiga uu hogaaminayo ee gudaha Yemen.

Jimcihiina, Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku wargelisay Koongaraska in ay damacsan tahay in ay jabhadda Xuutiyiinta ka saarto liiska ururada argagixisada caalamiga.

Maamulka madaxweynihii hore Donald Trump ayaa Xuutiyiinta u aqoonsaday koox argagixiso dhamaadkii sanadkii hore.

XS
SM
MD
LG