Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo jeediyey hadal guux badan abuuray


Recep Tayyip Erdogan
Recep Tayyip Erdogan

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa hadal lama filaan ah oo kasoo yeeray ku sheegay in Turkey ay u baahan tahay inay yeelato dastuur cusub, taasi oo abuurtay guux badan oo ku saabsan inuu doonayo inuu xukunka sii dheereysto.

Erdogan, oo 66 jir, ayaa ra’iisul wasaare ama madaxweyne ka ahaa Turkey tan iyo 2002, isaga oo mar ka bad-baaday isku day afgambi.

Waxa uu sanadii 2017 gadaal ka riixay isbeddel lagu sameeyey dastuurka, oo lagu baabi’iyey jagada ra’iisul wasaaraha, laguna abuuray mid madaxweyne.

Waxa uu kadib 2018-kii ku guuleystay xilka madaxweynaha, taasi oo ah xilliga koowaad ee labada muddo xileed ee ka kooban min shanta sano, ee dastuurka u ogol yahay muwaadinka inuu madaxweyne noqdo.

Turkey ayaa la filayaa inay doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha qabato bisha June ee 2023, taasi oo macnaheedu yahay in xukunka Erdogan uu dhammaan doono 2028, haddii dib loo doorto.

Hase yeeshee kadib markii uu guddoomiyey shirka golaha wasiirada ee Isniintii, ayaa Erdogan wuxuu soo jeediyey in la qaato dastuur cusub oo beddelaya midka hadda jira oo la isticmaalayey tan iyo 1982-kii, kadib afgambi militari oo dhacay.

“Way caddahay in isha dhibaatooyinka Turkey ay tahay in dastuurka ay qoreen kuwii dowladda afgambiyey,” ayuu yiri Erdogan.

“Waxaa la joogaa waqtigii dib loo furi lahaa doodda dastuur cusub. Haddii aan isku fahanno xisbiga talada nala wadaaga, tallaabo ayaan mustaqbalka ka qaadi karnaa dastuurka,” ayuu yiri.

Xisbiga AKP ee Erdogan ayaa waxay xulufo yihiin xisbiga MHP.

Hadalka madaxweynaha ayaa dadka qaar u fasirteen inuu doonaya inuu meesha ka saaro muddo xileedka madaxweynaha ee ku kooban labada goor, si uu mar saddexaad u ordo haddii uu kusoo baxo doorashada 2023.

AFP

XS
SM
MD
LG