Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Navalny oo lagu xakumay 3 sano iyo bar oo xabsi ah


Alexei Navalny oo ku sugan Maxkamadda Moscow dhaxdeeda, February 2, 2021
Alexei Navalny oo ku sugan Maxkamadda Moscow dhaxdeeda, February 2, 2021

Maxkamad ku taalla magaalada Moscow ayaa Talaadadi shalay xabsi saddex sano iyo bar ah ku xakuntay, hogaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexei Navalny.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Navalny uu ku xadgudbay xakun horay ugu dhacay oo farayay inusan ka bixi karin Russia. Alexei Navalny ayaa sannadki hore u baxay dalka Jarmalka, si looga soo daweeyo sumeyn Ruushka loogu geystay.

Navalny, oo ah shakhsiga ugu caansan dadka dhaliila siyaasadda hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa xakunka ku dhacay ku tilmaamay iskuday aan macna ku fadhin oo uu Aqalka Kremlin-ka ku rabo inuu ku cabsigeliyo malaayiin Ruush ah, si ay ugu jilba-jabsadaan Putin.

Taageerayaasha Navalney ayaa waxyar kaddib marki uu dhacay xakunka maxkamadda, isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn sida Moscow iyo St. Petersburg. Qaarkood ayaa waxaa xiray ciidanka booliska.

Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Germany ayaa ugu baaqay Moscow, in ay si dag dah ah ay u sii dayso hogaamiyaha mucaaridka Navalny.

XS
SM
MD
LG