Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad amartay in lasii daayo ninka loo haysto dilkii Daniel Pearl


Ahmed Omar Saeed Sheikh
Ahmed Omar Saeed Sheikh

Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa maanta amartey in xabsiga laga sii daayo Ahmed Omar Saeed Sheikh oo ahaa madaxa kooxdii afduubatey ee dishey wariyihii Mareykanka ahaa Daniel Pearl, oo ay dalka Pakistan ku afduubteen maleeshiyaadka Al-Qaacida, sanadkii 2002.

Dowladda Pakistan ayaa racfaan ka qaadatey maxkmadda Jimcihii si dib loogu eego go’aankeeda lagu sii deynayo xagjirkan u dhashey dalka Britain iyo saddex qof oo kale oo lala xukumey, oo iyagana dacwadan ku lug lahaa, maalin kadib markii ay koox qareeno ah ay sheegeen in aysan danbi ku heyn raggan.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey xoriyad siinta Ahmed Omar Saeed Sheikh. Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa laaley go’aankaas isagoo sheegey in loo baahan yahay mas’uuliyad. Blinken ayaa arrintan khadka teleefonka kala hadlay wasiirka arrimaha dibada Pakistan, Jimcihii.

Guddiga dib u eegaya go’aanka maxkamada ayaa waxaa hogaaminaya xaakim Omar Ata Bandyal oo isagu soo jeediyey in ragani aysan danbi laheyn, wuxuuna sheegey in loo wareejinayo inuu gurigiisa ku nasto kahor inta aanan si rasmi ah loo sii deyn.

XS
SM
MD
LG