Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Biden iyo Jamhuuriga oo raadinaya heshiis


Biden
Biden

Aqalka Cad iyo koox ka mida Sanator ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka ayaa Isniintii wada yeeshey kulan ay labada dhinac ku tilmaameen mid miradhal ah oo la taaban karo, saaxiibtinimana ku saleysan.

Kulankaasi ayaa looga hadlayey sidii heshiis looga gaari lahaa wareega labaad ee xirmo dhaqaale ah, taasi oo la doonayo in lagu samatabixiyo dhaqaalaha ee Coronavirus-ka.

Senator Susan Collins oo ah Jamhuuri laga soo doorto gobolka Maine ayaa u sheegtey wariyayaasha kadib kulan laba saacadood qaatey oo ay la yeesheen madaxweyne Joe Biden iyo madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris, in kulankaasi ahaa mid wanaagsan oo aragtiyo la isku weydaarsadey.

Collins waxa ay xustey in labada dhinac aysan heshiis lagu mideysan yahay gaarin balse ay doodaasi sii socon doonto.

Biden ayaa soo jeediyey lacag dhan 1.9 Trillion oo dollar, halka Jamhuurigana ay ku doodayaan in gargaarku noqdo mid aan ka badneyn 600 oo Billion oo dollar.

Qoraal ay Aqalka Cad soo saareen shaley galinkii danbe ayey ku sheegeen in mas’uuliyiinta doodan ku jira ay wadaageen sida ay muhiim u tahay in la caawiyo dadka Mareykanka ah balse Biden ayaa la sheegey inuusan ku qanci doonin gargaar aanan baahida hadda taagan dabooleyn.

XS
SM
MD
LG