Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Toronto


Allaha u naxariistee Haashim Cumar Xaashi oo 20 sano jir ahaa ayaa habeennimadii Axadda lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Booliska ayaa wada baaritaan la xiriira ciddii ka dambeysay dilkiisa, balse waxey sheegeen in la rasaaseeyay xilli uu ku dhexjiray gaari galayay garaashka-ka dhismaha 40 Falstaff oo ah halka uu deggenaa marxuumku.

Dilka Haashim ayaa noqonaya kii 5-aad ee ka dhaca magaalada Toronto sanadkan cusub.

Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrinkan ka wareystay xildhibaan Faysal Xasan oo ka tirsan baarlamanka gobolka Ontario, lagana soo doortay xaafadda York South Weston oo ay ka tirsan tahay halka uu dilku ka dhacay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:22 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG