Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VOA oo maanta u dabaal degeysa 79 guuradii kasoo wareegtay markii la furay


VOA 79
VOA 79

Idaacadda VOA ayaa maanta u dabaal degeysa 79 guuradii kasoo wareegtay markii la furay.

Sanadkii 1942dii bishii Febryary 1deedii maanta oo kale ayey hawada soo gashay idaacadda muddo 15 daqiiqo oo laga dhageysanayay muujaddaha Gaagaaban, lagana baahinayay Istuudiyo yar oo ku yaala Magaalada New York.

Waxay markii ugu horeysay ay la hadashay dhageystayaal aan badneyn oo Jarmalka ku noolaa todobaadyo un ka dib markii uu Mareykanka uu si rasmi ah ugu biiray dagaalkii 2aad ee aduunka. .

Haatan, 79 sanadood ka dib VOAda oo ay maalgeliso dowladda Mareykanka laakiin u madax banaan wararkeeda waxay la hadashaa oo wararkeeda dhageysta todobaad walba dhageysatayaal ka badan 280 malyuun oo qof oo dunida oo dhan ku nool .

Waxaana ka baxa in ka badan 40 luuqadood oo ay ku jirto Laanta Afka- Somaliga ee VOAda.

VOA waxey hoostimaadaa oo maamusha hey’adda USAGM, oo ah hey’ad Dowladda Mareykanka u qaabilsan warbaahinta dowladda ee rayidka ah.

Waxana shaqaalaheeda carbisan ay soo gudbiyaan sheekooyin iyo war xiisa leh, iyadoo ka madax banaan faragelinta dowladda.

XS
SM
MD
LG