Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo weli ka socda Ruushka iyo boqolaal qof oo la xiray


Booliska Ruushka ayaa Axadda maanta ah xiray ugu yaraan 500 oo mudaaharaadayaal ah, iyadoo taageerayaasha Alexei Navalny oo ah nin dhaleeceeya Aqalka Kremlin oo hadda xiran ay billaabeen in ay waddooyinka isugu soo baxaan markii labaad.

Mudaharaadyadii ugu horreeyay ayaa ka dhacay gobollada Siberia iyo Bariga Fog ee Ruushka, oo ay ku jiraan magaalada dekedda leh ee Vladivostok.

Dadka ku dhowdhow Navalny ayaa mar kale ku baaqay mudaaharaadyo waddanka oo dhan ka hor maxkamadayntiisa, oo billaabanaysa Talaadada soo socota (Febraayo 2).

In ka badan 250 ka mid ah dadka la xiray ayaa la qabtay ka hor isu soo bax la filayo in uu ka dhaco magaalada Moscow, halkaas oo banaanbaxyadu inta badan yihiin kuwa ugu waaweyn.

Navalny ayaa la qabtay islamarkii uu ku soo laabtay Ruushka bartamihii bishii Janaayo, isaga oo soo afjaray ku dhowaad shan bilood oo uu ku soo kabanayay Jarmalka ka dib weerar lagu sumeeyay oo bishii August loogu gaystay gobolka Siberia.

Mareykanka iyoMidowga Yurub ayaa si adag u cambaareeyay xariga Navalny iyo boqolaal qof oo xabsiga loo taxaabay toddobaadkii hore, waxayna ku baaqeen in si deg deg ah loo sii daayo.

XS
SM
MD
LG