Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan 200,000 oo qof ay ka carareen colaado dhashay ka dib doorashadii bishii December ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
Millatariga Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo garab ka helaya ciidamo ka kala socda Qarqamada Midoobay, Ruushka iyo Rwanda ayaa dagaal kula jira malayshiyaad hubeysan oo diidan natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday 27-kii December, taasi oo uu guul ka sheegtay madaxweyne Faustin-Archange Touadera.
Qaxootiga ka cararay colaadda dalkaasi ayaa intooda badani u tallaabay dalka deriska ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Dalka Afrikada Dhexe oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 5 milyan oo ruux ayaa ah waddan hodan ku ah Luulka, Dahabka iyo Alwaaxa. Dagaallo sokeeye ayaa ka jiray tan iyo markii talada xoog lagaga tuuray madaxweynihii hore, Francois Bozize.
Kumanaan Qof oo ka Cararay Colaadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

WASHINGTON, D.C —