Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USAGM oo dal-ku-galka Mareykanka u cusbooneysiisay Wariyaasha Ajnabiga ah


Agaasimaha USAG, Kelu Chao
Agaasimaha USAG, Kelu Chao

Maareeyaha ku meel-gaarka ah ee Wakaaladda Mareykanka u qaabilsan Warbaahinta Caalamiga ah, oo maamusho dhowr xarun oo warbaahineed oo ay ka mid tahay VOA, ayaa toddobaadkan fiisaha ama dal-ku-galka Mareykanka u cusbooneysiisay dhowr wariye oo ajnabi ah oo u shaqeeya VOA.

Wariyaashan oo ka kala howlgala laamaha VOA ee la hadla Africa, Bariga Asia, Koofurta iyo Bartamaha Asia iyo Yurub, ayaa waxaa ka dhacayay fiisaha ay dalkani ku soo galeen.

Maamulaha cusub ee Hey’adda USAGM Kelu Chao ayaa waxaa si kumeel gaar ah xafiiskani ugu magacaabay madaxweyne Joe Biden 20-ki bishaan, ka dib markii uu shaqada isaga tagay maamulihii iyada ka horreeyay, Michael Pack oo uu soo magacaabay madaxweynihii hore Donald Trump.

Pack, ayaa 7-dii bilood ee uu maamulay Wakaaladda Mareykanka u qaabilsan Warbaahinta Caalamiga ah ee USAGM shaqada ka eryay madax sare, sidoo kalana diiday inuu fiisaha Mareykanka u cusbooneysiiyo in ka badan 30 saxafi uu u shaqeyneysay VOA.

Muddo kordhinta hadda loo sameeyay wariyaasha VOA ee uu ka dhacayay dal-ku-galka Mareykanka nuuca loo yaqaano J-1 ayaa waxaa soo dhaweyay hey’adaha u doodad xuquuqda wariyaasha ee Mareykanka.

VOA ayaa wax ku tabisa 47 luqaddood oo caalamka looga hadlo, iyada oo maalin walba warar iyo warbixinno siisa boqollaal milyan oo ku nool dunida daafaheeda.

XS
SM
MD
LG