Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Biden oo khadka telefoonka kula hadlay Putin


Joe Biden
Joe Biden

Marki ugu horreysay tan iyo marki loo dhaariyay xilka, ayuu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Talaadadi shalay khadka telefoonka kula hadlay hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin.

Biden ayaa Putin u gudbiyay walaaca uu ka qabo arrimo dhowr ah, oo ay ku jiraan xariga ay xukuumadda Moscow u geystay hogaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexei Navalny.

Wuxuu sidoo kale kala hadlay, ololaha weerarka dhanka internetka ee uu Ruushka ku qaadday Washington iyo lacago uu madxahooda dul dhigay Ruushka dilka askarta Mareykanka ee Afghanistan.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadlay kordhinta heshiiska xakameynta hubka niyukleer ee labada waddan kaas oo dhacaya, marka la gaaro billowga bisha February.

Biden ayaa todobaadki hore la hadlay, Ra’iisul Wasaarayaasha Canada, Britain, madaxweynayaasha Mexico iyo Faransiiska iyo hogaamiyaha Jarmalka.

XS
SM
MD
LG