Sagaal xubnood oo ka tirsan xubnaha Aqalka Wakiilada Mareykanka ee Xisbiga Dimoqraadiga ayaa habeenkii xalay ahaa Aqalka Senate-ka u gudbiyey dacwad ka dhan ah madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.
Waxaa dacwadan ay Xisbiga Dimoaqraadigu ku sheegeen in Madexweyne Donald Trump uu huriyey qalalaalse lagu weerarey Aqalka Congress-ka ee Capitol Hill-ka loo yaqaan.
Haddaba arrimaha ku saabsan dacwadan xaley golaha Senate-ka loo gudbiyey ayey wariye Caasha Ibraahim Aadan ka wareysatey Madaxa Laanta Af Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxman Yabarow.