Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka cusub xiisaddii u dhaxeysay Turkey iyo Greece?


Kadib shan sano oo ay ku muran-sanaayeen biyaha badda Mediterranean-ka ayay dowladaha Turkey iyo Greece berri oo Isniin ah billaabi doonaan wadahallo fool-ka-fool ah, tallaabadaas oo tijaabo u ah rajo laga qabo inuu hagaago xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurb.

Wadahadallada ayaa ka danbeeyay kaddib marki Turkiga uu hakiyay, baaritankiiisii gaaska ee biyaha lagu muransanyahay ee ka careysiisay dowaldaha Greece iyo Qubrus.

Wadahadallada labada dhinac ayaa la filayaa inay waddada u xaarto booqasho ay Turkiga ku tagaan hogaamiyaasha Midowga Yurub.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub Iska-indha-tirid istaraatiijiyadeed oo ku wajahan Turkey, balse sheegay inuu diyaar u yahay hagaajinta xiriirka Turkey iyo Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa horey cunaqabteyno kooban u saaran Turkey, kuna hanjabay kuwa adag, haddii Ankara ay sii waddo baaritaanka gaaska ee biyaha badda Mediterranean-ka.

XS
SM
MD
LG