Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senatka oo bisha danbe billaabaya dhageysiga xil-kaqaadista Trump


(FILES) Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senatka Chuck Schumer (bidixda)iyo Mitch McConnell oo ah hogaamiyaha kooxda laga badanyahay (Midig)
(FILES) Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senatka Chuck Schumer (bidixda)iyo Mitch McConnell oo ah hogaamiyaha kooxda laga badanyahay (Midig)

Hogaamiyaasha Golaha Senetka ee Mareykanka ayaa xalay ku heshiiyay, in dib loo dhigay dhageysiga doodda xil-kaqaadista madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in fursad la siiyo ansixinta xubnaha Golaha Wasiiradda ee madaxweyne Joe Biden, si maamulka cusub uu u dardargeliyo ajandayaasha ugu muhiimsan 100-ka maalmood ee soo socota.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senatka Chuck Schumer oo dimoqraaddi ah, ayaa Jimcihi shalay sheegay, in dhageysiga kiiska xil-kaqaadista Trump ee Aqalka Odayaasha uu billaaban doono 8-dda bisha Febraayo. Go'aankaasi ayaa waxaa ammaanay hogaamiyaha xildhibaannada Jamhuuriga ee KoonagareeskaMitch McConnell.

Aqalka Wakiillada ayaa lagu wadaa in si rasmi ah ay Isniinta ugu soo gudbiyaan, qodobki ay u soo cuskadeen, xil-kaqaadisti ay kusoo sameeyeen Donald Trump, kaasoo ahaa kicin fal lagu ridi rabay dowladda.

Trump ayaa xilka ka dagay 20-ki bishaan Janaury, ka hor inta uusan waqtigiisa xafiiska Aqalka Cad dhamaan, ayay Golaha Wakiillada xil ka qaadis ku sameeyeen. Waxay aheyd marki labaad oo xilka laga qaado, taasoo ka dhigtay madaxweynihi ugu horreeyay taariikhda Mareykanka oo labada jeer xil-kaxayuubin lagu sameeyo.

XS
SM
MD
LG