Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkadda Facebook oo u hoggaansantay cadaadiska Turkey


Facebook
Facebook

Facebook ayaa ku dhowaaqday inay billaabeyso hanaan ay ku magacaabeyso wakiil ku sugan Turkey, si ay ugu hoggaansato sharci muran dhaliyey oo lagu maamulayo shirkadaha baraha bulshada.

Sharciga oo la meel-mariyey bishii July ayaa ku qasbaya shirkdaha baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter inay wakiilo ku yeeshaan Turkey, si ay ula macaamilaan cabashooyinka ka dhanka ah waxyaabaha lasoo dhigo bogaggooda.

Shirkaddii diida inay wakiil magacowday ayaa waxay wajahaysaa ganaaxyo, xayeysiimaha oo laga joojiyo iyo xawaaraha Internet-ka oo laga yareeyo, taasi oo ka dhigeysa in shabakadahoodu noqdaan kuwa culus.

“Go’aanka ma beddelayo Xeerarka Bulshada ee Facebook, iyo hanaanka caalamiga ah ee eegista codsiyada dowladda, waana la bixi doonnaa wakiilkeena haddii aan wajahno cadaadis,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Facebook.

Sida ku xusan sharciga, wakiilka shirkadaha baraha bulshada, waxa uu qaabilsanaan doonaa inuu ka jawaabo codsiyada shaqsiyeed ee ku saabsan inuu bogga ka saaro waxyaabaha ku xadgudbaya xuququda qofka iyo asturnaanta xogtiisa, 48 saac gudahood ama inuu bixiyo sabab uu ku diiday.

Shirkadda ayaa waxaa loo qabsan karaa magdhow haddii waxyaabaha ku jira aan laga saarin ama la xannibin 24 saacadood gudahood.

Facebook ayaa ku biireysa LinkedIn, YouTube, TikTok, Dailymotion iyo VKontakte oo horey wakiilo ugu magacaabay Turkey.

AP

XS
SM
MD
LG