Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Ilaa 400,000 oo qof ayaa u dhintay COVID-19


Qabuuro lagu aasayo dad u dhintay Covid-19 gudaha Mareykanka
Qabuuro lagu aasayo dad u dhintay Covid-19 gudaha Mareykanka

Sida ay muujisay daraasad kasoo baxday Jaamacadda Johns Hopkins, tirada dadka uu cudurka Covid-19 ku dilay Mareykanka ayaa Talaadadi shalay kor u dhaaftay in ka badan 400,000 oo qof.

Tirada dhimashada ee cudurka ayaa kor u sii kaceysay tan iyo fasaxii ciidda Masiixiga ee Mareykanka. Inti lagu guda jiray saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay oo kaliyah in ka badan 63 kun oo qof ayaa cudurka ugu dhimatay guud ahaan Mareykanka.

Gobollada Michigan, New Jersey, New York, Oregon, South Carolina iyo Vermont ayaa sheegay in dawada tallaalka xanuunka Covid-19 uu hgabaabsi ka yahay, una baahanyihiin doosas badan oo tallaalka ay soo saareen Pfizer-BioNTech iyo Moderna.

Sideed iyo toban gobol oo ay ku jiraan California, Pennsylvania, Texas iyo Washington ayaa bishaan January diiwaangeliyay kiisaski dhimasho ee ugu badnaa, sida ay sheegtay warbixinta.

Madaxweyne Joe Biden oo maanta oo Arbaca ah loo dhaarin doono xilka, ayaa ahmiyaddiisa koowaad ajandayaashiisa xukumadda ka dhigay la dagaalanka xanuunka Covid-19. Wuxuu ballan qaaday in qof walba oo ku nool Mareykan laga tallaali doono xanuunka.

XS
SM
MD
LG