Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo soo duubay khudbaddiisii macsalaameynta


Saacado yar ka hor inta uusan ka dagin xilka madaxtinimada Mareykanka, ayuu madaxweyne Trump shalay galab soo saaray muuqaalki ugu danbeeyay ee uu kula hadlay taageerayaashiisa.

Trump ayaa sheegay in uu qabtay wixi uu u yimid inuu qabto iyo wax ka badan muddadi afarta sano aheyd uu hayay xilka madaxwenaha Mareykanka.

Trump oo aanan wali qiran guuldarradi doorashada, ayaa taageerayaashiisa u sheegay in dhaq-dhaqaaqiisa uu hadda un billowday.

Barqanimada maanta ayuu ka tagi doonaa Washington, ka hor inta aysan dhicin xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub Joe Biden.

Dhanka kale, Joe Biden oo lagu wado in maanta loo dhaariyo xilka madaxweynaha Mareykanka, ayaa shalay galab soo gaaray magaaladan Washington D.C.

Biden ayaa inta uusan kasoo bixin gobolka laga soo doorto ee Delaware, khudbad qiiro laheyd kasoo jeediyay xarun ay ciidamada Ilaalada Qaranka ku leeyihiin Delaware, halkaas oo loogu magacdaray wiilkiisa Beau Biden.

Isaga oo ilmada ceshanaya ayuu Biden u sheegay dadka gobolkiisa “Inuu mar walba ahaan doono kuna faani doono wiil kasoo jeeda gobolka Delaware,”

Biden ayaa noqon doona madaxweynaha 46-aad ee uu yeesho Mareykanka. Waxaa madaxweyne ku xigeen u ah haweeneey lagu magacaabo Kamala Harris. Waxay noqon doontaa haweeneydi ugu horreysay ee loo dhaariyo xilka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka taariikhda.

XS
SM
MD
LG