Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haween garsooreyaal ahaa oo lagu dilay Kabul


Dabley hubeysan ayaa Axadda maanta ah gudaha magaalada Kabul ee dalka Afganstan ku dilay laba garsoore oo dumar ah oo ka tirsanaa garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Afghanistan.

Booliska ayaa sheegay in rag hubeysan oo aanan wali la garan heybtooda ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen garsoorayaasha, darawalkoodii ayaa sidoo kale la dhaawacay. Booliska waxay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku sabaansan dilka.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in ay dagaalyahannadoodu aysan ka dambeyn dilkaas.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyay weerarka lagu khaarijiyay garsoorayaasha.

Xilli ay wada-hadallo nabadeed uga socdaan dalka Qatar, ururka Taliban iyo Dowladda Afghanistan, waxaa maalmihi dhawaa gudaha Kabul kusoo badanayay dilalka qorsheysan oo lala beegsanayo saraakiisha dowladda, wariyaasha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

XS
SM
MD
LG