Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda: Musevini oo ku guuleystay doorashada


Ugandes dabaaldagaya

Guddiga Doorashada Uganda ayaa sheegay in madaxweynaha muddada dheer dalkaasi xakumayay ee Yoweri Museveni uu ku guuleystay doorashadi madaxtinimada.

Ninka sida aadka ah ula tartamay oo ka socday mucaaridka, Bobi Wine ayaa qaaddacay doorashada kuna tilmaamay mid lagu shubtay. Saraakiisha doorashada ayaanan sharraxin sidadoorashada loo aamini karo, xilli dalka oo dhan laga jaray isgaarsiinta internetka.

Uganda oo ka mid ah dalalka ugu badan musuq-maasuqa iyo shaqo la’aanta ee Africa, ayaa waxaa doorashadi Khamiisti dhacday ku tartamay Museveni iyo musharraxa dhalinyarada ah Bobi Wine.

Wine oo ah fannaan siyaasi isu baddalay ayaa taageero ka heysta dhalinyarada iyo dadka ku nool magaalooyinka waaweyn. Hase yeeshee waxaa marar badan xiray oo qash-qashaaday ciidamada amniga.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in natiijada rasmiga ah ee doorashada ay muujisay, in madaxweyne Museveni u codadki la dhiibtay ka helay boqolkiiba 58% halka Wine uu keenay boqolkiiba 34.

Museveni oo 76 jir ah ayaa Uganda xakumayay tan iyo sannadki 1986-ki. Hadda waxa uu galayaa teeramkiisii lixaad ee xukumaddiisa.

Diblamaasi sare oo Mareykanka u qaabilsan Africa ayaa hannaanka doorashada Uganda ku tilmaamay, mid asaasiyanba cilladeysneyd.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG