Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hindiya oo Billowday Ololaha Tallaalka COVID-19


A healthcare worker holding a rose receives an AstraZeneca's COVISHIELD vaccine, during the coronavirus disease (COVID-19) vaccination campaign, at a medical centre in Mumbai, India, Jan. 16, 2021.
A healthcare worker holding a rose receives an AstraZeneca's COVISHIELD vaccine, during the coronavirus disease (COVID-19) vaccination campaign, at a medical centre in Mumbai, India, Jan. 16, 2021.

Hindiya ayaa Sabtida maanta ah billowday ololaha tallaalka cudurka COVID-19, kaasoo u muuqda inuu yahay ololihi ugu ballaarnaa caalamka ee uu dal kula dagaallamo cudurka safmarka ah ee COvid-19.

Tallaalka ayaa lagu billaabay shaqaalaha caafimaadka, iyadoo lagu xijanyo dadka waayeelka.

Ra’isulwasaaraha Hindiya, ayaa khudbad uu ka jeediyay telefishanka ku sheegay, in dhaqaajinta ololaha tallaal ee ugu weyn caalamka ay macnaheedu tahay, in ay dunida tusiyaan awooddooda xagga sayniska.

Dowladda Hindia ayaa rajeyneysa in la tallaalo 300 oo milyan oo qof. Waxaa ka mid ah dadka la bartilmaameedsanayo 26 milyan oo carruur ah, 30 milyan oo isugu jira dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal iyo 270 milyan oo da’doodu ay ka weyntahay 50 sano.

Tallaalkan ayaa kusoo beegmay, xilli Kiisaska dadka u dhintay cudurka COVID-19 ee caalamka oo dhan ayJimcihi shalay dhaaftay 2 million.

XS
SM
MD
LG