Madaxweyne Trump ayaa subaxa hore ee Arabcada soo socota ka tagi doona xafiiska Aqalka Cad ee magaaladan Washington, saacado yar ka hor inta aanan xilka madaxtinimada loo dhaarin madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.
Sida uu sheegay sarkaal arrinta la socda oo qariyay magaciisa, Trump waxaa xaflad sagootin ah loogu sameyn doonaa garoonka diyaaradaha Andrews ee duleedka Washigton.
Trump ayaa todobaadki hore ku dhawaaqay inuusan ka qeybgali doonin, xafladda caleema-saarka madaxweynaha isaga baddali doona ee Joe Biden, taasoo noqon doonta jabin dhaqan soo jireen ah, maadaama madaxweynaha xafiiska ka dagayo uu goob-joog ka noqon jiray xafladda dhaarinta madaxweynaha cusub.
Ku xigeenkiisa Mike Pence ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo xafladda. Pence ayaa Jimcihi shalay wacay madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Mareykanka, Kamala Harris oo uu ugu hambalyeeyay guusheeda.
Trump ayaa dagi doona gurigiisa ku yaalla gobolka Florida. Waxa uu xafiiska ka tagayaa, laba todobaad kaddib marki lagu eedeeyay inuu kiciyay qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo todobaadki hore xoog ku qabsaday xarunta Koongareeska.
Tallaabadaas ayaa keentay in Aqalka Wakiillada Mareykanka ay marki labaad xil ka xayuubin ku sameeyaan.